Lugada Somali Oo Guryo Gadashada

Ma ka fikireysaa guri gadasho? Talabada ugu horeyso waxey tahay in aad wax ka barato barnamijka deynta guryaha si aad u hesho sahan bixin kadibna si aad sualaha caamka ah aad jawaab ugu heyshid.

Baar taxanaha waxbarashada fidiyowga hoos si aad suaal walba jawabtiisa ugu hesho. Kadibna waxaad daremi doonta diyaargarow iyo kalsoni dheerad ah ayaa kuu bilowmi doono howsha maalgelinta guryaha.

Personal Homebuyer Videos 684x684 Hmong

5 Talaabo Oo Loo Qaado Amaahda 

Faham tillaabooyinka loo maro helitaanka deynqaadashada guryaha. Kolka aad ogaato tillaabooyinka, waxa ay kuu sahli doontaa sidii aad u raaci laheyd hanaanka iibsashada guryaha.

Barnaamijyada Guriyeynta Ee La Awoodi Karo

Riyada lahaanshiyo guri waa mid la gaari karo kana fudud sidii ay hore u ahaan jirtey , waxaa mahad leh hababka kala duwan ee loo fududeeyay helista barnaamijyo guriyo la iibsan karo. Eeg barnaamijyada si aad awood ugu hesho in aad dabagasho riyadaada ku aadan in aad guri iibsato isla markaana abuurto dhaqaale.

Istraatijiyadda Miisaanizadeed Guryaha Iibsshad

Awoodda miisaaniyad dejinta– iyo in aad ku adkeysato– waa xirfad daruuri nololeed ah. Haddiise aad deyn qabto isla markaasina aad rajeynayso in aad soo codsato in laguu maalgeliyo guri mustaqbalka, waxaa la doonayaa in miisaaniyad la dejiyo ayna noqoto tillaabada ugu horeysa ee la qaadayo si loo bixiyo deymaha jira. Waa kuwan tusaalooyin kaa caawinaya abuuridda miisaaniyad iyo qaabka aad u adeegsaneyso si aad qorshaha deyn bixinta u meel mariso.

Erey Bixinta Amaahda

Marka aad mareyso hanaanka iibsashada guryaha, waxa aad la kulmeysaa ereyo badan oo laga yaabo in ay kugu cusub yihiin. Hadaba si dhow u fiirso waxa ereyada maalgelinta guryaha caadiga ahi ka dhigan yihiin. Intaa kadib, waxaad u diyaar garoobi doontaa inaad bilowdo nidaamka iibsiga guriga si kalsooni leh.

Gaaritaanka Dhibcaha Ogow Sababaha Go'aaminaya Dhibcahaaga Deynta

Wax ka baro dhibcaha deynqaadashada iyo warbixinta amaahda, iyo sida ay u saameyneyso awooddaada helitaanka in lagu amaahiyo guri.